Helsinki (09-04-2011) Iyadoo la tixraacayo qorshaha sahan ee mashruuca shaqo la'aanta ee naga caawisay degmada Helsnki ayaanu maanta qabanay xafladii furitaanka. waxaanu ku martiqaadnay Marja Tiilikainen oo ah agaasiimaha Shabakada Finnishka iyo Soomaalida, waxaanu kaloo ku martiqaadnay Sari Rauhiainen oo ah gabadh na caawisa.
Waxaa furay xafladii guddoomiyaha ururka sahan Jaamac Faraax saacadu markay ahayd 15:00, isagoo soo bandhigay waxyaalihii u qabsoomay ururka Sahan mudadii uu firfircoonaa. Wuxuu kaloo soo bandhigay mashruuca xafladiisii loo fadhiyo waxa uu ku saabsan yahay. waxaa hadlakii qaatay Marja Tiilikainen oo iyana aad u amaantay ururka sahan sida uu u firfircoon yahay, iyadoo sheegtay in uu ka mid yahay ururka ugu firfircoon dhinaca shabakadda Finnishka iyo Soomaalida, isla markaana ay ku faraxsan tahay ka soo qaybgalka xafladana.
Waqtiga uu qabsoomayo hirgelinta mashruuca waa sidan hoose: