Helsinki (26.05.2011) maanta waa taariikhdu tahay 26kii May 2011waxaa guddiga fulinta Sahan International go'aansadeen in ay caawiyaan xarunta hooyada iyo dhalaanka ee Xamar lagu xidh, iyagoo ka caawinaya sidii MCH-ka cusub u shaqayn lahaa. Adeega caafimaadka ee MCH-ka waa loo siman yahay cid cid ka xigtaana ma jirto ha noqoto dadka deegaan degan ama ha noqoto qof socoto ah. Waxaa kaloo xaruntu u adeegi doontaa deegaamada u dhaw Xamar-lagu-xidh, iyadoo mustaqbal ka aanu rajaynayno in loo iibiyo ambulance meelaha durugsan ka soo qaada hooyada ama dhalaanka u baahan caawimaada caafimaad.
Waxaanu rajaynaynaa in reer Xamar-Lagu-Xidh ay ka faa'iidaystaan jaaniska ay haystaan oo la shaqeeyaan shaqaalaha iyo maamulayaasha MCH-ka